Puntland Oo Joojisay Shillin Soomaaligii Lagu Qaadi Jirey Canshuurta Dekeda Boosaaso

Published: November 30, 2020

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa joojiyey in lacagta shillin Soomaaliga lagu qaado canshuurta kastamka dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

War qoraal oo kasoo baxay xafiiska madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay kadib markii madaxweynuhu la tashi la sameeyey guddiga dowladdu u xilsaartay sicir-barar inuu wasaaradda maaliyadda Puntland amray inaan cashuurta kastamka Dekedda Boosaaso lagu qaadi karin lacagta shillin Soomaaliga.

” Iyadoo laga duulayo talo bixinta Guddiga Dowladdu u xilsaartay sicir-bararka. Laga billaabo 1-da December 2020, waxaa la joojiyey in aan kastamka Dekedda Boosaaso, canshuurta Dowladda lagu qaadi-karin lacagta Shillin Soomaaliga.”

Puntland

Puntland ayaa waxa cirka isku shareeray sicirka doollarka, waxayna taasi keentay inay qaali noqoto maciishadii, isla markaana ay saamayn xoog leh ku yeelato dadka danyarta oo aan awood u lahayn inay iibsadaan quudka maalinlaha ah.

Halka doollar ayaa suuqyada Puntland lagu kala sarifanayaa 46 kun oo shillin Soomaali ah, waxaana ay ka dhigan tahay inuu boqolka doollar yahay afar milyan iyo lix boqon oo shillin Soomaali ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *