Puntland oo ka digtay in Olole Siyaasadeed loo adeegsado Kufsigii ka dhacay Goldogob – VIDEO

Published: January 24, 2017

Dowlada Puntland ayaa war kasoo saartay xaalada caafimaad ee gabar dhawaan koox dhalinyaro ah ku kufsadeen magaalada Goldogob ee gobalka Mudug.

Wasiirada Haweenka ee Puntland Anisa Cabdulqadir oo gabadhaasi ku booqatay Isbitaalka lagu hayo ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegtay in xaalada gabarta ay tahay mid wanaagsan, isla markaana ay socoto maxkamadeyntii kooxdii falkaasi ka danbeysay.

Waxaa sidoo kale warbixin saxaafada siiyey Madaxda Dhakhtarka Dr.Cabdulqadir Maxamuud (Dhegocade) oo isagu gacanta ku hayey daryeelka caafimaad ee gabadhan tan iyo bishii December ee sanadkii hore.

Wasiirada Haweenka Puntland ayaa dhinaca kale ka digtay in arrimo siyaasadeed loo adeegsado falkan ka dhacay degmada Goldogob iyadoona sheegtay in Puntland ay tilaabo ka qaadayso cidii falkaasi ka danbeysay, isla markaana falalka noocaan ah aan looga dulqaadan deegaanada Puntland.

Dhinaca kale Wasiirada ayaa ka hadashay hadal kasoo yeeray Guddiga ololaha Doorashada ee Madaxweynihii wakhtiga ka dhamaaday Xassan Shiikh Maxamuud oo sheegay in gabadhaasi loo soo qaadayo magaalada Muqdisho, isla markaana arrintan u wakiishay mid kamid ah mas` uuliyiinta u qaabilsan ololihiisa doorashada.

“….Puntland way ku filantahay inay daryeesho gabarta iyo Xaquuqdeeda, waxaana ugu baaqeynaa in Madaxweynihii hore Soomaaliya uu taageero u fidiyo gabdhaha iyo Wiilka lagu kufsaday Muqdisho, wax u ha u qabto dhibanaayasha ku sugan Muqdisho….” ayey tiri Wasiirada.

Hadalka kasoo baxay Puntland ayaa kusoo beegmay xili la sheegay in Mahad Salaad oo ah Wasiirul Dowlihii hore ee Villa Soomaaliya kana mid ah guddiga doorashada ee Xassan Shiikh inuu codsaday in gabarta lagu hayo isbitaalka Gaalkacyo in loo soo wareejiyo Magaalada Muqdisho.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *