Puntland oo ka digtay Roobab Kalle Daadad watta kuwaas oo saamayn ku yeelan karra Bulshada.

Published: April 29, 2020

Wasiir ku xigeenka Wasaaarada Warfaafinta Iyo Isgaarsiinta Puntland Cabdisalaan Xaaji oo Magaalada Qardho shir jaraaid ku qabtay ayaa ka digay roobab kale oo xoog leh oo ka da’a deegaanada Puntland Gaar ahaan Gobolada Bari iyo Karkaar.

‘Waxaa muuqata in roobab lixaad leh di’i doonaan, hawadu aad iyo aad bay u xiran-tahay guud ahaan shacabka gobolka karkaar iyo nawaaxiga magaalada qardho waxaan jecelnahay inaan u sheegno inay ka fogaadaan meelaha godadak ah iyo meelaha biyo mareenka ah” ayuu yiri Wasiirku.

Ugu danbayn waxa uu sheegay in roobaabkaan sidii da’aya hadii aan laga digtoonaan dhibaatadooda ay saamayn ka culus midii hore saamayn xun yeelan karaan, waxa uuna kula dardaarmay in awaamiirta dawlada loo hagaansamo.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *