Puntland oo ka hadashay dad shacab ah oo lagu afduubtay gobolka Bari

Published: January 29, 2017

Madaxweynaha Puntland-Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa ka hadlay afduub maleeshiyada Daacish u geysatay dad shacab ah oo ku safrayay deegaano hoos yimaada degmada Qandala ee gobolka Bari.

Dr. Gaas oo la hadlay BBC-da qeybteeda Afka-Soomaaliga ayaa xaqiijiyay afduubkan loo gestay dadka shacabka ah, wuxuuna cadeeyay in ay argigixisadu maleegayaan shirqoolo iyo afduub ka dhan ah shacabka ah , kadib markii sida uu sheegay looga adkaaday dagaalkii lagu xoreenayey degmada Qandala.

Madaxweynaha ayaa meesha ka saaray in ay xaalad nabad gelyo darro ah ka jirto dhulka uu ku safray ee bariga fog iyo agagaarka degmada Qandala, taasoo cabsi ku keeni karta in gar-gaar la gaarsiiyo dadka abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaanadaasi.

Dadka la afduubtay ee lagala degay gaariga ayaa la sheegay qaarkood in ay ahaayeen ciidamo ka tirsan Puntland.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *