Puntland oo ka hadashay midowga Al-shabaab iyo kooxaha Galgala

Published: February 26, 2012

Dowladda Puntland ayaa ka hadashay midowga xarakada Al-shabaab iyo xoogaga Gal-gala oo iyagu dhowaan shaaciyey inay isku biireen.

Wasiirka wasaaradda amniga ee Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kooxdaasi ay markii horeba Al-shabaab ka tirsanayd.

Wuxuuna intaas ku daray in midowga ay Al-shabaab ku darsameeni uu yahay mid aan ammaanka iyo xasiloonida Puntland waxba u dhimi doonin.

Khaliif Ciise Mudan wuxuu dhinaca kale sheegay in laamaha ammaanka ee Puntland ay ka go’an tahay sidii ay ula dagaalami lahaayeen Al-shabaab.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo iyaguna ka hadlay arintan ayaa tilmaamay inay tahay mid aan waxba soo kordhin doonin.

Sh. Cali Maxamuud Raage (Cali-dheere) oo ah afhayeenka xarakada Al-shabaab oo isna Saxaafadda shir u qabtay ayaa ka warbixiyeymidowga iyaga iyo kooxaha ka dagaalama buuraleyda Gal-gala.

Wuxuuna xusay in talaabadaasi ay tahay mid guul ah islamarkaana ay ku faraxsan yihiin si aad ahna ay usoo dhoweynayaan.

Midowga Al-shabaab iyo ciidamada Sh. Atam ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan hogaaamiyaha shabakadda Al-qaacida fariin uu soo diray uu ku sheegay in Shabaab iyo Al-qaacida ay midobeen.

 

Horseed Media