Puntland oo ka hortimid hadal kasoo baxay wasaaradda kalluumeysiga xukuumadda federaalka

Published: September 23, 2022
Shares4

Wasaaradda kalluumaysiga iyo kheyraadka badda ee Puntland ayaa sheegtey in ay aad uga xuntahay hadalkii ka soo baxay Wasaaradda kaluumeysiga ee dowladda federaalka taariikhdu markey ahayd 21/9/2022 kadib kulan dhexmaray wasiirka wasaaraadda kaluumaysiga iyo safiiro ajnabi ah, hadalka ka soo baxay wasaaradaas ayaa nuxur kiisu ahaa:

Shati aan ka soo bixin Wasaaradda ay u aqoonsan yihiin waxba kama jiraan, ciddii ku kaluumeysatana ay ku jiraan liiska kuwa sharcidarada uga kaluumeysta badda Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda kaluumeysiga ee Puntland ayaa lagu sheegay in hadalka ka soo abxay wasaaradda kalluumeysiga ee xukuumadda federaaliga ah uu baal marsan yahay heshiisyadii Baydhabo iyo kii Adis Ababa ee qaybsiga kheyraadka, kaas oo dowald goboleedyada awood u siinaayey in ay ka faa’ideystaan kheyraadka badda.

“Haddii aan la xurmeynin Qodobada Dastuuriga ah ee dalka, sida tooska u faraya xaquuqaha DFS iyo Dawlad gobaleedyada, in ay ka wada xaajoodaan Kheyraadka dabiiciga ah, waxay halis ku noqonaysaa daganaanshaha amni ee dalka, taas oo horseedi doonta xasilooni darro siyaasadeed”

Wasaaradda kalluumeysiga ee Puntland aya ka dalbatey wasaaradda kale ee xukuumadda federaaliga ah ee kaluumeysigu in ay ka noqoto hadalkii ka soo baxay isla markaana raali-gelin iyo cudur daar ka bixiso oo ay dhawraan hannaanka dalka u degsan.

Wasaaradda kalluumeysiga ee Puntland ayaa bixisa shatiyo, waxaa xeebaha Puntland aad ugu soo badanaayey maraakiibta shisheeye ee ka kalluumeysanaaya, taas oo ay soo geliyeen ganacsato la yaqaan oo haysta oggolaansha Puntland.

Shirka ka dhacay wasaaradda kalluumeysiga

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Qin Jian, ayaa maalintii Arbacada booqdey wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee xukuumadda federaaliga ah, waxaana halkaas ku qaabiley wasiirka wasaaradda kalluumeysiga ee xukuumadda federaalka ah Axmed Xasan Aadam iyo wasiiru-dowlaha wasaaraddaas, waxaana shirku markii uu dhamaadey qoraal kooban wasaaraddu soo saartey ku sheegtay iyada oo farta ku fiiqdey in Shiinuhu yihiin cidda ugu badan ee ka kaluumeysata badaha Soomaaliya waxaana nuxurka qoraalkaasi ahaa:

Wasiir Axmed ayaa u sheegay danjiraha in ka wasaarad ahaan ay ka shaqeynayaan inay ka hortag xoogan ku sameeynayaan kalluumeysiga sharci daradda ah loona baahan yahay in safaaraddu ay kaalinteeda qaadato maadaama shirkaddaha ugu badan ee sharci u haysta in ay ka kalluumeystaan badda Soomaaliya ay yihiin kuwo laga lee yahay dalkooda, isaga oo intaa ku daray in shati aan ka soo bixin wasaaradda ay u aqoonsan yihiin wax kama jiraan ciddii ku kalluumeysatana ay ku jirto liiska kuwa sharci daradda lagu eedeynayo.

Horseed Media