Puntland oo ka jawaabtay Eedayntii waftigii ka socday DFS ee ka qayb-galay shirka wada-tashiga Puntland.

Published: March 21, 2020

Wasiiro ka tirsan Xukuumada Puntland ayaa saaka gelinkii hore shir jaraaid ku qabtay Magaalada Garoowe, Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhaban-cad ayaa sheegay in shirweynihii Puntland loo qabtay dadka Puntland oo keliya uu khuseeyay isla markaasna aysan door ku lahayn dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxay xuseen in aan waxba laga bedelin warmurtiyeedka, sidoo kalena qodobada ay dhamaan ahaayeen kuwii ay ka doodeen iskuna raaceen shacabka ka qayb-galay shirkii wada-tashiga Puntland.

Wasiirradu waxay kale oo sheegeen in safarka madaxweyne Deni ee Xamar uu keliya yahay gogol xaadhka shirka Puntland ku baaqday ee dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada iyo saamilyadayda siyaasadeed laysugu keenayo taas oo looga tashanayo siyaaasada soomaaliya.

Waxay sheegeen in madaxweyne Deni aanu wada-hadallo hadda la yeelanayn madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Kheyre.

https://www.facebook.com/PuntlandStateTV/videos/1314395022282894/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *