Puntland oo ku dhaliishay DFS in ay dagaal xagga waxbarashada ah ku hayso.

Published: December 26, 2019
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni

Jaamac Yuusuf Dabaraani Afhayeenka Puntland oo ka warbixinayay shirka todobaadalaha ah ee Golaha Xukuumada Puntland ayaa sheegay in Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay weli waddo dagaal ka dhan ah puntland oo la xiriira xagga waxbarashada, waxa uu xusay in dawlada ay diiday in shahaadooyinka siiso ardayda reer Puntland.

” Puntland meelihii ay wada-shaqaynta kala lahaayeen xagga waxbarashada ayay waraaqado ay ku hor istaagayaan u direen, waxaana ka mid ah dalka Masar, dhawaana arinkaas darteed halkaas waxaa u tagay wasiirka waxbarashada Puntland si arimahaas wax looga qabto, dhaqamada noocaas ah waa kuwa muujinaya in lala dirirayo Puntland dhinaca horumarka waxbarshada” Ayuu yiri Deparani.

Sidoo kale Afhayeenku waxa uu xusay in qodobadaas ay yihiin kuwa baalmarsan Dastuurka DFS iyo heeshiisyadda ay horay u gaareen dawlada dhexe iyo maamulada, waxa uuna tilmaamey in cawaaqib xumadda ka dhalata ay qaadan doonaan hogaanka DFS.

” dabcan waxayna lidi ku yihiin shuruucda dalka ka jirta ama dastuurka kmg ee federaalka Soomaaliya iyo heshiisyadii hore ee heer federaal iyo dawlad goboleedba loo galay, waxyaabaha ka dhasha ee cawaaqib xumana waxaa qaadaya masuuliyiinta Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya”

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *