Puntland oo ku dhawaaqday in $1 Milyan ay ku bixineyso gurmadka abaaraha ee Deegaanadeeda

Published: July 15, 2022
Shirweynaha gurmadka Abaaraha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha gurmadka Abaaraha oo ah Shir loogu qareemayo looguna gurmanayo dadka ay Abaartu saameysay.

Madaxweynaha oo muujiyay sida Puntland ula damqanayso Bulshadeeda ayna muhiimad u siinayso ka jawaabista xaaladda ka dhalatay Abaarta, ayaa Kulanka kaga dhawaaqay in Dowladdu $1Million ku shubayso sanduuqa Gurmadka Abaaraha ee Puntland si loogu billaabo caawimaada dadka Abaartu saameysay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Deni

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku baaqay in laga wada qeyb qaato Gurmadka Abaaraha.

Guddiga Abaaraha oo kaashanaya Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka ee Puntland iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso ayaa

Shirweynaha gurmadka Abaaraha kusoo bandhigay warbixino ka hadlaya heerka ay marayso xaaladda ka dhalatay Abaarta ka jirta Puntland iyo qorsheyaasha sida loo caawin karo dadka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment