Madaxweynaha Puntland oo ku jira wadatashigiisi ugu danbeeyey ka hor safar….

Published: January 31, 2021

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa(Axad) kulan la qaadanaya, qaar kamid ah bulshada iyo waxagaradka Puntland, kulanka ayaa ka ayaa ka socda Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland.

Sida warar ku dhaw sheegayaan kulanka Madaxweyne Deni la qaadanayo siyaasiyiinta iyo waxgaradka ayaa ujeedkiisu yahay in uu siiyo warbixinihii ugu danbeeyey ee ku aadan Doorashada dalka, isla markaana uu kala tashado qaabka loo wajahayo shirka Dhuusmareeb ka furmaaya saacadaha soo aadan.

Wararku waxay intaas ku darayaan in qorshaha aysan ku jirin in uu shirka ka qaybgalo iyo in uu ka baaqsado, laakiin Madaxweyne Deni u diyaar yahay safar uu ku tago Dhuusamareeb, gelinka danbe ee maalinta Isniinta, haddii aan wax kale isbeddelin iyada oo ay jiraan in xaaladda amnigu aysan wanaagsaneyn.

Caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagnaa in doorashadu ku qabsoonto xiligii loo asteeyey ayaa ahaa.

  1. Gobolka Gedo in lagu soo wareejiyo maamulka Jubaland ka hor doorashada
  2. Xildhibaanada beelaha Dirta Waqooyi in loo madax baneeyo Guddoomiyaha Aqalka Sare.
  3. In Guddiyada doorashada laga saaro xubno la sheegay in ay ka tirsan yihiin sirdoonka, ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah.

Qodobka Somaliland ama Xildhibaanada dirta Waqooyi ayaa laga heshiiyey si hoose, dhanka Gobolka Gedo Xildhibaanada lagu dooranayo ayaa la sheegayaa in Madaxweyne Farmaajo rabo in uu ka tanaasulo kuna bedesho qorshaha 13 Xildhibaan ee Banaadir.

Haddaba waxaa aad la isu weydiin doonaa ajandaha shirka in lagu soo daro 13 Xildhibaan ee Golaha Shacabku u qoondeeyey Gobolka Banaadir in uu ku yeesho Aqalka Sare, taas oo Madaxweyne Farmaajo xilli aan la fileyn saxiixey, isla markaana amrey in habraac doorasho oo gaar ah loo sameeyo.

Dadka arrimahan la socda ayaa sheegaya in 13 Xildhibaan ay yihiin hubkii ugu danbeeyey ee Madaxweyne Farmaajo, taas oo burburin karta shirka Dhuusamareeb, waxaana la aaminsan yahay in uu Baarlamaanka horgeyn doono haddii shirku burburo qorshe muddo kordhin gaareysa laba sano.

Beesha Caalamku si adag ayey uga soo horjeedaa in wax laga beddelo heshiiskii 17 Sept, taas oo ka hortegi karta muddo kororsi iyo in dalka qalalaase siyaasadeed ka dhaco.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *