Amar kasoo baxay madaxtooyada Puntland oo lagu joojiyey labo adeeg oo dhibaato ku hayey bulshada.
Dowladda Puntland ayaa deegaanadeeda ka mamnuucday shirkadda khamaarka ee 1xBET iyo kaararka gaarka ah ee qarsoon (Privet Number), waxaana lagu amray inay joojiyaan shirkadaha isgaarsiinta Puntland.
War qoraal oo kasoo baxay madaxtooyadda Puntland ayaa lagu faray wasaaradaha warfaafinta, amniga, arrimaha gudaha, cadaaladda iyo shirkadaha isgaarsiinta Puntland in ay joojiyaan oo laga mamnuucay deegaanada Puntland shirkadda sharadka iyo khamaarka ee 1xBET, sidoo kalena la joojiyey furista lambarada gaarka ah (Privet Number).
Shirkadda khamaarka ee 1xBET ayaa dhibaato xoog leh ku haysay bulshada Soomaaliyeed, taasi oo sababtay in dad badan xoolahoodii ku waayaan khamaarka, wuxuuna go’aanka dowladdu kusoo beegmay xili ay cabasho xoogan ka jirtey.
Dhanka kale, joojinta lambarada gaarka ah ama qarsoon ayaa loo adeegsan jirey cabsi gelinta shacabka iyo qalqalgelinta amaanka.
Dowladda Puntland ayaa go’aamadan soo saartay iyadoo maalmahan wada abaabulka guluf dagaal oo ka dhan ah kooxaha argagixisada ee ku dhuumaalaysanaya deegaanada buuraleyda Puntland.
Horseed Media