Puntland oo mudo bil ah joojisay doomaha ka imaanaya wadamada shisheeye.

Published: March 8, 2020

Xukuumadda Puntland ayaa go’aamisay in mudo bil ah si ku meel gaar ah loo hakiyay dhammaan doomaha Kalluumeysiga Shisheeyay ee ka jillaabta xeebaha Puntland. Go’aankaan ayaa lagu shaaciyay Shir ay xalay Garoowe ku yeesheen Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay mid looga hortago faafidda  caabuqa Coronavirus ee waayadan dambe dunida ku sii fidaya.

Sidoo kale shalay dekedda Magaalada Boosaaso ayaa laga hawl-geliyay koox ka shaqaysa arimaha cafimaadka kuwaas oo dadka la socda doon-yaha iyo shaqaalaha ajaaniibta ah ka baaraya xanuunka Corono-virus.

Dalka Iiraan oo ka mid ah dalalka cudurkaan aafeeyayayay doonyihiisa kaluumaysigga si wayn uga jilaabtaan xeebaha Bari ee Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *