Puntland oo qofkii labaad uu ugu geeriyooday xanuunka Covid-19.

Published: May 8, 2020

Jaamac Faarax Xasan Wasiirka Caafimaadka Puntland oo xalay shirarkooda maalin laha ah qabtay Garoowe ayaa sheegay in ay korortay 24 saac ee la soo dhaafay dadka laga helayo xanuunka Covid-19. wasiir jaamac waxa uu xusay in cudurkaan oo si xawli ah ku faafayo.

Dr Jaamac wasiirka caafimaadka waxa uu xusay in la baaray 22 ruux , xanuunkana laga helay 8 qof oo rag ah oo ay ku jiraan 2 ka mid ah wasiiradda Puntland oo uu sheegay in hadda xaaladooda ay wanaagsantahay.

Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa xusay in qofkii 2-aad uu Puntland maanta ugu geeriyooday Covid-19, kaas oo ku dhintay xarunta karantiilka Garowe.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha Covid-19 laga helay Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 59, halka labo qof ay ugeeriyoodeen xanuunka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *