Puntland Oo Shaacisay Ardayda Ugu Sareysa Imtixaanka Fasalka 12aad

Published: August 10, 2020

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa saaka shaacisay magacyada ardayda ugu saraysa imtixaanka shahaadiga fasalka 12aad ee dugsiyada sare ee Puntland, kaas oo ay u fariisteen 16,500 arday.

Cabdilaahi Maxamed Xasan, wasiirka waxbarashada Puntland oo ku dhawaaqay natiijada imtixaanka ayaa sheegay inay markii ugu horeysay gabadh kow u gashay imtixaanka Shahaadiga Puntland ee fasalka 2aad.

Gabadhan ayaa lagu magacaabaa Maryan Cabdikariim Axmed waxay dhiganaysay Iskuulka Al-waaxa ee ku yaalla magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Dhanka kale wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa soo kordhisay inay shaaciso iskuulada ugu sareeya ee ardayda ugu badan ka baaseen, waxaana sanadka iskuuladii ugu sareeyey ay kala ahaayeen iskuulka Cumar Samatar Gaalkacyo (105 A), iskuulka Boosaaso Puplic (83 A), iskuulka Shiikh Cismaan Qardho (63 A) iyo iskuulka Gambool Garoowe (62 A).

Liiska magacyada 10ka ardayda ee ugu saraysa:

https://www.facebook.com/horseedmedia/videos/592535504794463

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *