Puntland oo shaacisay go’aankeeda ku aadan shirka London

Published: May 3, 2013

Qoraalkan oo ku qornaa luuqada Ingiriiska oo loo diray dowlada Ingiriiska ayaa looga hadlay kaalinta Puntland kasoo qaadatay dhismihii dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dastuurka Federaalka.

Qoraalkan ayaa sidoo kale looga hadlay safarkii uu Garowe ku yimid Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayey, iyadoo la raacshay in safarkaasi 28kii April wakhti yar kahor loo soo sheegay Puntland, balse maamulka Puntland ku guuleysatay inuu soo dhaweyn baaxadleh u fidiyo wafdiga Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Deeqda Caalamiga

Puntland ayaa ka digtay qodobo ay kamid yihiin musuq maasuqa Deeqda Caalamiga ah ee horey loo siiyey dalka Soomaaliya oo ay sheegtay Puntland in wax badan la dhunsaday. Arrintaasi oo ay horey Puntland goobo badan iyo shirar caalami ah uga sheegtay.

For years, Puntland has expressed at international public forums its genuine concerns regarding the misbalancedinternational assistance to Somalia.

Puntland ayaa sheegtay inay rajeenayso in Shirka London uu noqdo mid si fiican looga baaraan dego inaysan dhicin khaladaadkii hore iyadoo weliba tixgelin gaar ah la siinayo Xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta gudaha Soomaaliya, arrintaasi oo la rumeysan yahay dowlada Puntland inay uga hadleyso inay iyadu arrimaheeda si gaar ah usii wadato, iyadoo la tixraacayo xaquuqda uu Dastuurka Federaalka siinayo Puntland.

As such, Puntland hoped that the London Conference of May 7, 2013, would propose a new comprehensive approach to international engagement in Somalia that takes into account existing realities on theground and Puntland`s rights, as accorded by the Provisional Federal Constitution (PFC).

Kulankii Garowe

Dowlada Puntland ayaa qoraalkeedan uga hadashay waxyaabihii ay ka wadahadleen Wafdiga Madaxweyne Xassan Shiikh iyo Xukuumada Puntland iyo qodobadii ay isku afgaran waayeen.

Puntland ayaa eeda dusha uga tuurtay Wafdiga Federaalka ee uu hogaaminayey Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud oo ay ku sheegeen inay yimaadeen Garowe iyagoo aan wadan wax Qorshe ama Ajanda ah (Agenda) iyo waliba iyagoo diiday in laga wadahadalo qodobadii ay wadatay Puntland.

the SFG delegation arrived in Garowe without an agenda and posed major obstacles by categorically refusing to discuss the agenda of national affairs submitted by Puntland.

Jubaland

Puntland ayaa sidoo kale ku eedaysay wafdiga Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud inuu caqabad ku noqday ama ishortaagay hirgelinta maamulada Federaalka, gaar ahaan maamulka Jubaland.

President Mohamud`s delegation also presented obstacles to the speedy implementation of the federal system, most notably by opposing the voluntary formation of ´Jubaland State` in southern Somalia, in line with the PFC.

Puntland ayaa sheegtay in dhismaha maamulada Federaalka sida Jubaland ay yihiin kuwo lagu qeexay Dastuurka Federaalka, isla markaana dhismaha Jubaland uu yahay mid buuxiyey shuruuda Dastuurka Federaalka ku xiray maamul gobaleedyada Federaalka Soomaaliya.

Baaq ku socda UK

Dowlada Puntland ayaa ugu baaqday in Dowlada UK ay si weyn uga fiirsato oo uga baaraandegto xaqiiqda ka jirta gudaha dalka Soomaaliya iyo awooda uu Dastuurka Federaalka siinayo maamulada sida (Puntland) ee la xariira dhanka: Deeqda Beesha Caalamka, arrimaha dhaqaalaha, heshiisyada hoose iyo heshiisyada Caalamiga ah (qodobka 54 ee dastuurka), arrimaha Amniga iyo Federaalka (qodobka 208 ee dastuurka).

Puntland calls on Her Majesty Government to take into serious consideration existing realities in Somalia and the critical need for Federated States (Puntland) to fulfill their mandate under the PFC, on international assistance, economic matters, treaties, and important international accords (Article 54), and national security and federal affairs (Article 208).

Dastuurka Federaalka

Dowlada Puntland ayaa si adag uga digtay isbedalada lagu sameeyey qodobada heshiisyadii Roadmap-ka iyo Dastuurkii Federaalka Soomaaliya ee la ansixiyey 1dii Agoosto 2012, kahor intaan la dhisin xukuumada hada jirta. Puntland ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo furo baaritaan ku aadan isbedalada laga sameeyey qodobadaasi.

Additionally, Puntland is seriously concerned with the tampering of the PFC, endorsed by the Roadmap Signatories in Nairobi on June 22, 2012, co-signed by the U.N. as a guarantor, and adopted overwhelmingly by the National Constituent Assembly in Mogadishu on August 1, 2012. Puntland calls on the SFG President, as Custodian of the Constitution, as well as the Speaker, and the SRSG, to launch a full inquiry urgently and to declare an explanation to the citizens of Somalia.

Shirka London

Dowlada Puntland ayaa sheegtay in illaa iyo hada aysan soo gaarin Casumaad Rasmi ah oo lagu casumayo shirka London, sidaa daraadeedna aysan wax wafdi ah usoo diri doonin shirka London, balse Puntland ay aragtideeda kusoo gudbin doonto Qoraal ay usoo direyso shirka furmaya 7da bishan May.

Regrettably, as Puntland did not receive an official invitation from any party, Puntland will not send an official delegation to attend the London Conference. Puntland will soon forward a Position Paper on Somalia to the London Conference II.

Dowladda Ingriiska ayaa dhamaan hawlaha shirka Somaaliya 2013 ee London farta ka saartey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Ajandaha Shirka ayaa noqdey kuwo aan Muqdisho soo dhaafin, waxaana Horseed Media ogaatey in qaar kamid ah qabanqaabiyaasha shirku la xiriireen Puntland isla markaana weydiiyeen sida Ajandaha shirka ay u arkaan taas oo la yaab ku noqotey Puntland iyo wa ku baryey, waxaana la filaayey in federaalku gaarsiin doono.

Madaxweynaha Federaalka Xassan Shiikh Maxamuud ayaa markii uu Garowe tagay ka codsday Dowlada Puntland inay shirka London kasoo qeybgasho, iyadoo hada muuqato in Puntland ay sheegtay in qoraalkii rasmiga ahaa ee casumaada shirka London aan weli lasoo gaarsiin.

Qoraalka maanta kasoo baxay dhinaca Puntland ayaa ah kii ugu horeeyey oo si rasmi ah maamulka Puntland ugu shaaciyey go’aankooda ku aadan shirka London, walow ay horey u jireen warar kasoo baxayey xubno ka ag dhaw Madaxtooyada Garowe oo sheegayey in Puntland aysan wafdi u diri doonin shirka London.

Horseed Media
News Desk

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *