Puntland oo shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare

Published: August 15, 2024

Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Dowladda Puntland ayaa maanta oo khamiis ah 15 Ogos 2024, waxay ku dhawaaqday imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Puntland, sanad dugsiyeedka 2023/24.

Tirada ardayda imtixaanka u fariistay ayaa ahaa 7,562 arday, waxaa gudbay 6,950 arday, waxaa dhacay 499 arday, waxaa maqnaa 113 arday.

Sidoo kale wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa shaacisay magacyada ardayda galay 10-ka kaalmood ee ugu sareeya imtixaanka shahaadiga dugsiyada sare ee Puntland, sanad dugsiyeedka 2023/24.

Horseed Media