Puntland oo Sheegtay In Aysan Marna Xayirin Badeecadaha u socoda Gobolada

Published: April 22, 2020

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa sheegtay inaysan marna xayirin badeecadaha ka soo dega Dekeda Bosaso ee u socda goboladda Kale ee Dalka.

Puntland waxay sheegtay in iyadoo eegaysaa duruufaha ka dhashay cudurka Covid-19 awgeed ay dhaaftay cashuurihii laga qaadi jiray cuntooyin quutul daruuriga ah

“Puntland marna ma xayirin, mana xayiri doonto badeecada dadka Soomaaliyeed kala soo degaan dekadda Boosaaso. Tusaale ahaan Puntland ma xayirin wax canshuur dheeri ahna kuma soo rogin badeecada u socota gobolka kale” sidaas waxaa yiri afhayeenka xukuumadda Puntland Jaamac Deperani, wuxuuna sii raaciyay

“Puntland waxay cashuurta ka dhaaftay badeecaddaha quutul-daruuriga ah ee kasoo dega Boosaaso, iyadoon loo eegayn meesha ay u socoto ama Boosaaso ha u socoto ama Beledweyne”

Afhayeenku wuxuu sheegay in dawladda Puntland aysan marna ka suurtoobin in ay duruufaha adag ee dalka ka jira u isticmaasho aalad cadaadis kuna dhibaatayso ummadda Soomaaliyeed ee la daalaa -dhacaya cudurrada, colaadda, abaaraha iyo fatahaadaha.

“Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed iyada oo illaalinaysa xuquuqda macaamiisha ayay qaadatay tallaabooyin ay ka mid yihiin in aan la kaydin karin cunnooyinka asaasiga ah, la kordhin karin sicirkooda , isla markaana cunnadii lagu quudan jiray gudaha Puntland aan loo rari karin degaanno kale si looga sameeyo macaash dheeri ah, iyada oo si xun loo isticmaalayo duruufaha caafimaad ee taagan iyo baahida bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto” ayuu yiri Jaamac Deperani

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa Madaxweynaha Puntland ku eedeeyay inay xayiraad ku soo rogay badeecadihii quutul daruuriga ah ee ka soo degayay dekeda Bosaso ee la keeni jiray gobolka Hiiraan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *