Puntland oo si taxadar leh uga hadashey shirka Farmaajo ku baaqey

Published: February 10, 2021

Kadib markii Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu habeenkii xalay ku dhawaaqey in shir kale la isugu yimaado 15ka bisha Feberaayo magaalada Garoowe si looga heshiiyo hirgelinta heshiiskii 17 Sept ayaa waxaa war ka soo saartey Puntland oo si taxadar leh uga jawaabtey.

Ugu horreyn Puntland waxay soo dhaweysey shirka in uu qabsoomo, laakiin waxay ku talisey in shirka lagu qabto Muqdisho si looga qaybgeliyo wakiilada Beesha Caalamka iyo waxa loogu yeeray Saamileyda siyaasadda.

Puntland ma diidin ku qabsoomidda shirka ee Garoowe, laakiin waxay sheegtey in aan lagala tashan markii horeba sidaas darteed Muqdisho ku habboon tahay.

Waxaa jira dedaal heer caalami ah oo ku aadan qabsoomidda shirka, mana cadda in Puntland cadaadis lagu saari doono in ay shirka marti geliso iyo in laga wareejin doono.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *