Puntland oo soo bandhigtay deeq waxbarasho oo dalka iyo dibadiisa ah

Published: October 6, 2024

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray Deeq Waxbarasho oo ay Dowladdu bixisay iyadoo kaashanaysa Jaamacadda Bariga Africa ee Boosaaso, taasi oo in ka badan 30 Arday lagu barayo Cilmiga Badda iyo Kalluumeysiga .

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimada ay Dowladdu siinayso sidii dadka reer Puntland loogu diyaarin lahaa in ay ka faa’idestaan kheyraadka badeenna ku jira, wuxuuna xusay in hadda Ardayda deeqda Waxbarasho lasiiyey ay bilow u tahay ka faa’ideysiga iyo maalgashiga kheyraadka Badda oo loo baahanyahay in ay lawada qeyb qaataan dhammaan dhinacyada kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa intii ay munaasabadda socotay shahaadooyin guddoonsiiyey 4 Arday oo Dowladdu deeq waxabarasho ugu dirayso dalka dibeddiisa kuwaasi oo waxbarashada heerka labaad (Master) kusoo baran doona cilmiga Badda iyo kalluumeysiga, waxaana hawshan dadaal xoog leh ku bixiyey Prof, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa, Wasiirka Kalluumaysiga Puntland.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Maamulka Jaamacadda Bariga Africa , Golaha deegaanka ee degmada Boosaaso iyo Marti sharaf kale .

Horseed Media