Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ka qayb galay Shirweynaha wadatashiga horumarinta siyaasadaha Shirkadaha wadaaga ah iyo Dowladda gaar ahaan Shirkadaha Biyaha, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Dowladda Puntland.
Munaasabadda waxaa si cilmiyeeysan loogu soo bandhigay siyaasadda Biyaha ee Dowladda Puntland oo ay soo diyaarisay Wasaaradu, waxaana si gaar ah looga hadlay sida ugu wanaagsan ee loo horumarin karo adeega biyaha ee deegaannada Puntland, gaar ahaan shirkadaha biyaha ee wadaaga ah.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimada ay leedahay in la horumariyo siyaasadda Biyaha, si dadka reer Puntland u helaan Biyo ku filan, isagoo xusay in aan lagu ekaanayn biyaha oo keliya, balse sidoo kalena ay muhim tahay in la horumariyo adeegyada kale ee bulshada wax soo saarka u leh sida Korontada , Beeraha iyo Kalluumeysiga.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalnay Masuuliyiinta Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Dowladda Puntland, Goleyaasha Dowladda Puntland, Hanti-dhowraha guud ee Dowladda Puntland, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Dowladda Puntland, Shirkadaha Biyaha iyo Hay’adaha ku shaqo leh iyo lataliyeyaal.
Wadatashiga siyaasadda Biyaha waxaa uu socon doonaa muddo labo maalmood ah, iyadoo loo diyaarinayo in loo gudbiyo Goleyaasha Dowladda si ay uga doodaan.
Horseed Media