Puntland oo weerarkii Garoowe ku eedaysay Dowladda Federaalka

Published: May 16, 2023
Shares18
Wasiir Juxa oo sheegay inaysan jiri doonin wax muddo ku darsasho ah oo ka dhaca Puntland

Habeenkii xalay saacaddu markey ahayd 00:30 daqiiqo, malayshiyaad hubeysan ayaa jidka u galay agabka doorashada ee TPEC oo u socdey Sanaag, Bari, Karkaar iyo Gardafuu.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxa ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay duleedka caasimadda Garoowe, wuxuuna ku eedeeyey inay falkaasi ka dambeysay dowladda federaalka.

Wasiir Juxa ayaa sheegay inay maleeshiyaad hubaysan oo lagu diyaariyey beerta Khadar Faroole ee duleedka Garoowe ay jidka u galeen ciidamada Puntland ee wadey sanaadiiqda doorashada qof iyo cod ee Puntland.

” Ergeyga Xasan Sh Maxamuud ee Arimaha Dhaqaalaha Khadar Cabdiraxmaan Faroole ayaa abaabuley weerarkii xalay lagu qaaday sanaaduuqda doorashada, qiyaamihii Xasan Sh Maxamuud sheegayey wuxuu ahaa mid isagu uu abaabulayo,” ayuu yiri; Wasiir Juxa.

Qalalaasaha markii labaad laga ridey Garoowe ayaa si weyn looga dareemay, waxaa maanta la joojiyey shir Qaramada Midobey lahayd oo lagu qaban lahaa AJJ, waxaa la baajiyey duulimaadyadii diyaaradaha ee Garoowe, waxaana xiran garoonka diyaaradaha oo laga cabsadey in malayshiyaadkani qabsadaan, waxaa wararku sheegayaan in maalinta berri ahna aysan jirin wax duulimaad ah.

Madasha siyaasadda Puntland oo ay ku midoobeen siyaasiyiin mucaarad ah ayaa horey uga digay hadaan la joojin doorashada qof iyo cod ee Puntland inay xiligaan sababi karto dagaal iyo qalaalase siyaasadeed.

Horseed Media