Puntland oo xukun toogasho ah ku fulisay xubno tirsanaa Alshabaab & Daacish

Published: March 8, 2023
Shares88

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa saaka xukun toogasho ah ku fulisay illaa 12 xubnood oo ka tirsanaa Ururada Alshabaab iyo Daacish.

Fulinta xukunka dilka toogashada ayaa ka kala dhacdey magaalooyinka Galkacyo, Garowe iyo Bossaaso.

Magaalada Galkacyo waxaa lagu toogtey 5 nin oo ka tirsanaa Amniyaadka Alshabaab kuwaas oo horey dilal iyo Qaraxyo uga geystey xaafada Wadajir ee dhinaca Galmudug.

Sidoo kale Magaalada Garowe waxaa lagu toogtey Shubeyb oo sanadkii 2016 lagu qabtey dagaaladii Ciidamada Puntland iyo Al-shabaab ee ka dhacay Suuj, Garmaal iyo Kulub balse intii Cafis lo fidideyey kuso laabtey Garowe isagoo dilal hor leh kasoo geystey magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Magaalada Bossaaso waxaa lagu koox ka kooban 6 nin oo ka kala tirsanaa Daacish iyo Alshabaab kuwaas oo ku eedeysnaa dilalka qorsheysan ee dhaca gudaha magaalada.

Horseed Media