Puntland: Rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo Lagu Fuliyay Xukun Dil ah

Published: June 14, 2020

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa xukun dil ah ku fulisay saddex Nin oo ka tirsanaa ururka Alshabaab, kuwasoo madaxkamadu ku xukuntay Dil toogasho ah

Saddex nin oo kala Maxamed Xasan Barre, Bishaar Maxamed Xassan iyo Cabdixakiin Maxamed Faarax ayaa muddo sanad ku dhow ku xirnaa xabsi weyn ee magaaladda Bosaso ayaa shalay lagu fuliyay dilka toogashada

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saddex Nin ee dilka lagu fuliyay soo qabtay xili ay ku guda jireen howlgal ay ka wadeen Magaaladda Bosaso.

Ragan ayaa hore rafcaan uga qaatay xukunka dilka ee Maxkamada ciidamadu ku riday hase yeeshe maxkamadu rafcaanka ayaa ku raacday go’aankii ay maxkamadu hore u riday

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *