Puntland: Wasiir Uu Ku Dhacay Covid-19 oo Diyaarad Gaar ah Loo Dalbay

Published: May 22, 2020

Dowladda Puntland ayaa diyaarad gaar ah u dalabtay wasiir ka tirsan xukuumadda Puntland oo muddo ku xanuunsanayay magaaladda Garoowe kadib markuu uu dhacay cudurka Covid-19,

Diyaarada ayaa wasiirka ka qaaday garoonka diyaaradaha ee Mohamed Abshir ee Garoowe, waxayna u qaaday magaalada Muqidisho iyadoo la filayo in loo sii gudbiyo wadanka Turkiga si halkaasi loogu dabiibo

Saraakiil ka tirsan wasaaradda Caafimaadka ayaa Horseedmedia u sheegtay in Wasiirku uu ka bogsaday Cudurka Covid-19 hase yeeshee uu waxyeelo gaarsiiyay sambabadiisa iyo habdhiska neefsashada taasi oo keeni karta inay gebi ahaanba ay shaqada joojiyaan sambabadu haddii uusan helin dhakhaatiir Takhakhus u leh

Wasiirka diyaarada khaaska ah looga qaaday Garoowe ayaa ah Wasiirka wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada  ismaaciil Diirye Gamadiid.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *