Dowladda Puntland ayaa diyaarad gaar ah u dalabtay wasiir ka tirsan xukuumadda Puntland oo muddo ku…
Dowladda Puntland ayaa diyaarad gaar ah u dalabtay wasiir ka tirsan xukuumadda Puntland oo muddo ku xanuunsanayay magaaladda Garoowe kadib markuu uu dhacay cudurka Covid-19,
Diyaarada ayaa wasiirka ka qaaday garoonka diyaaradaha ee Mohamed Abshir ee Garoowe, waxayna u qaaday magaalada Muqidisho iyadoo la filayo in loo sii gudbiyo wadanka Turkiga si halkaasi loogu dabiibo
Saraakiil ka tirsan wasaaradda Caafimaadka ayaa Horseedmedia u sheegtay in Wasiirku uu ka bogsaday Cudurka Covid-19 hase yeeshee uu waxyeelo gaarsiiyay sambabadiisa iyo habdhiska neefsashada taasi oo keeni karta inay gebi ahaanba ay shaqada joojiyaan sambabadu haddii uusan helin dhakhaatiir Takhakhus u leh
Wasiirka diyaarada khaaska ah looga qaaday Garoowe ayaa ah Wasiirka wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada ismaaciil Diirye Gamadiid.
HORSEEDMEDIA