Puntland: Wejiga koowaad ee dekedda Garacad oo maanta la daah-furayo

Published: October 22, 2022

Wejiga koowaad ee dekedda Garacad ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah la daah-furo waxaana ka qayb-galaya Madaxda kala duwan.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda ayaa lagu wadaa inay goordhow gaaraan Garacad.

Sidoo kale Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar (Cagjar) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay qeyb ka yihiin wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya oo shaley gaaray magaalada Garowe ayaa qayb-galaya munaasadda xarig-jarka wejiga kowaad ee dekedda Garacad.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay munaasabadda lagu daah-furayo wejiga kowaad ee dekedda cusub oo ka socota Garacad.

Dekedda Garacad ayaa noqoneysa tii labaad ee ay Puntland yeelayo waxaa lagu lagu dhisay isku tashi bulsho.

Horseed Media