Puntland: Xildhibaan Cali Tabliiq oo shil gaari ku geeriyooday

Published: May 19, 2024

Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud (Tabliiq) oo kamid ahaa mudanayaasha golaha wakiillada Puntland ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay deegaanka Xaaji Khayr ee degmada Dangorayo.

Shilkan ayaa sidoo kale waxaa dhaawac kasoo gaaray labo qof, waxaana maydka iyo dhaawaca la keenay caasimadda Garoowe.

Masuuliyiin kale duwan oo ka tirsan labada gole ee dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida alle ha u naxariistee xildhibaan Cali Tabliiq.

Horseed Media