Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ugu hambalyeeyay Donald Trump guusha doorashada Mareykanka. Madaxa Kremlin-ka ayaa sheegay in hadaladii hore ee Trump ee ku saabsan Ukraine iyo soo celinta xiriirka Ruushka ay mudan tahay in fiiro gaar ah loo yeesho.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Khamiistii ugu hambalyeeyay Donald Trump guushii uu ka gaaray doorashadii Mareykanka, wuxuuna sheegay in Moscow ay diyaar u tahay inay wadahadal la yeelato madaxweynaha la doortay ee xisbiga Jamhuuriga.
Trump oo sidoo kale la hadlay Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, ayaa ku faanay inuu saacado gudahood ku soo afjari karo dagaalka Ruushka uu ka wado Ukraine , wuxuuna marar badan dhaliilay kaalmada Mareykanka uu siiyo Ukraine.
Khudbadiisii ugu horeysay ee uu meel fagaare ah ka jeediyo tan iyo guushii Trump, Putin waxa uu iftiimiyay hadalkii Trump intii lagu jiray ololihii doorashada Mareykanka ee ku saabsanaa Ukraine iyo soo celinta xiriirka Ruushka.
“Waxa laga sheegay rabitaanka dib u soo celinta xiriirka Ruushka, si loo soo afjaro dhibaatada Ukraine, fikradeyda, tani waxay u qalantaa ugu yaraan dareenkayga” ayuu yiri Putin.
“Waxaan fursadan uga faa’iidaysanayaa inaan u hambalyeeyo,” ayuu Putin ku yiri hadal uu ka jeediyay madasha Valdai ee magaalada Sochi ee koonfurta Ruushka.
Mar la weydiiyay inuu u furan yahay inuu wadahadal la yeesho Trump, hoggaamiyaha Ruushka wuxuu yiri: “Diyaar.”
Trump ayaa sidoo kale daaha ka qaaday inuu diyaar u yahay nooc wada hadal ah, isagoo u sheegay NBC News wareysi uu siiyay “Waxaan u maleynayaa inaan hadli doono Putin.”
Donald Trump ayaa sheegay in uu la hadlay “qiyaastii” 70 hoggaamiyeyaal caalami ah tan iyo subaxnimadii Arbacada laakiin wuxuu daaha ka qaaday in uusan weli la hadlin Putin.
Buug uu qoray dhawaan weriyaha weyn ee Mareykanka Bob Woodward ayaa sheegay in laga yaabo in Trump iyo Putin ay wada hadleen ilaa 7 jeer intii uu madaxweynaha ahaa Joe Biden.
Trump ayaa marar badan muujiyay sida uu ula dhacsan yahay Putin iyo sidoo kale hoggaamiyeyaasha kale ee kali-taliska ah sida Shiinaha Xi Jinping iyo Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.
Hanad Askar
Horseed Media