Putin oo hanjabaad u diray Sweden, Finland iyo NATO

Published: June 30, 2022

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa ku eedeeyay NATO inay leedahay hammi boqortooyo, iyadoo xulafada reer galbeedka ay ballanqaadayaan inay kor u qaadayaan taageerada ay siiyaan Ukraine.

Isagoo ka hadlayay dalka Turkmenistan ayuu Mr Putin u sheegay saxafiyiinta in xubnaha NATO aysan wax dan ah ka lahayn wanaaga dadka reer Ukraine. Waxa uu sheegay in Ruushku uu jawaab celin ka bixin doono ciidan kasta oo dheeraad ah oo la geeyo dalalka Sweden iyo Finland, kuwaas oo ku guda jira geeedii socodka ka mid noqoshada isbahaysiga NATO.

Inta la ogaaday waa safarkii ugu horeeyay ee Mr Putin uu ku tago meel ka baxsan Ruushka tan iyo markii uu bilowday duulaanka. Shir madaxeedka Madrid, madaxa NATO, Jens Stoltenberg, ayaa ballanqaaday taageerada Ukraine ilaa iyo inta ay ku qaadato.

NATO ayaa si rasmi ah Sweden iyo Finland ugu casuuntay inay ku soo biiraan isbahaysiga – iyagoo soo afjaraya dhexdhexaadnimadooda milatari ee tobanaanka sano ay wadeen. Turkiga ayaa ka soo horjeestay go’aankaasi, isagoo ku eedeeyay labadan waddan inay martigeliyaan dhaqdhaqaaqayaasha Kurdiyiinta oo uu Turkiga u arko urur argagixiso ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *