Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warar sheegaya in ciidamo kumanaan gaaraya oo laga keenaya Kuuriyada Waqooyi ay gacan kasiinayaan dagaalka ay kula jiraan Ukraine.
Madaxweyne Putin ayaa Jimcihii sheegay in ay tahay arrin u taal in Ruushka uu isticmaalo ciidamada Kuuriyada Waqooyi iyo haddii kale, wuxuuna sheegay in haddii Ukraine ay doonayso inay ku biirto NATO markaas Moscow ay samayn karto waxay rabto si ay u sugto ammaankeeda.
Mareykanka ayaa Arbacadii sheegay in ay hayaan cadeymo muujinaya in Kuuriyada Waqooyi ay 3,000 oo askari u dirtay Ruushka si loo geeyo Ukraine, tallaabadaas oo reer galbeedku ay ku tilmaamayaan mid sii kordhineysa dagaalka Ukraine.
Waaxda sirdoonka ee Ukraine ayaa sheegtay in cutubyadii ugu horreeyay ee Kuuriyada Waqooyi ee lagu tababaro Ruushka la geeyay gobolka Kursk ee xuduudda, halkaas oo ciidamada Ukraine ay qabsadeen qayb ka mid ah dhulka Ruushka bishii Agoosto.
Horseed Media