Putin oo Moscow kula kulmay Bashar al-Asad

Published: July 25, 2024

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Moscow kula kulmay madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad, sida lagu faafiyey warbaahinta Madaxtooyada Ruushka ee Kremlin-ka maanta oo Khamiis ah.

Putin ayaa u sheegay Al-Asad inuu ka walaacsan yahay in xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe ay sii kordhaan, balse labada hoggaamiye midkoodna faahfaahin dheeraad ah kama bixin wadahadalkooda.

Kremlin-ka ayaa sheegay in kulanka Putin iyo al-Assad uu dhacay Arbacadii shalay. Kulankan ayaa lagu soo beegay xili ay sare usii kaceyso xiisada ka taagan Barigga Dhexe.

Ruush-ka ma uusan bixin faahfaahin ku saabsan wadahadallada Putin iyo al-Assad laakiin hal qodob oo la filayo inay ka wadahadleen ayaa ah xiriirka diblumaasi ee Suuriya iyo Turkiga oo dib loo soo celinayo.

Ruushka ayaa kamid ah dowladaha sida aadka ah u taageera dowlada Al-Asad balse waxa uu sidoo kale xiriir dhow la leeyahay Turkiga waxaana uu ku dadaalayay in dib loo bilaabo xiriirka ee labada dal ee jaarka ah.

Turkiga iyo Suuriya ayaa xiriirka isu jaray sanadkii 2011-kii markaasoo mudaaharaadyo ballaaran oo dowladda looga soo horjeedo iyo howlgallada arxan darada ah ee ay wadeen ciidamada ammaanka Suuriya ay u xuubsiibteen dagaalka sokeeye.

Turkiga ayaa taageera kooxaha fallaagada Suuriya ee doonaya in ay afgambiyaan Al-Asad, kooxahan oo weli ku xoogagan gobalada waqooyi-galbeed ee Suuriya, taasoo oo ka careysiisay Taliska Bashar al-assad.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Al-Asad ayaa dhawaan ka dhawaajiyay inay daneynayaan soo celinta xiriirkooda diblomaasiyadeed.

Horaantii bishan, Erdogan waxa uu sheegay in uu ku casumay al-Asad inuu soo booqdo Turkiga ama uu ku kulmo dal saddexaad.

Toddobaadkii hore, wargeys ka soo baxa Turkiga ayaa sheegay in Erdogan uu bisha Agoosto kula kulmi doono al-Asad magaalada Moscow, laakiin saraakiisha Turkiga ayaa beeniyay warkaas.

Horseed Media