Putin oo sharuudo ku xiray joojinta duulaanka uu ku qaaday Ukraine

Published: March 1, 2022

Kulankii Isniintii shalay dalka Belarus ku dhexmaray wafuuda ka socday Ruushka iyo Ukraine ayaa natiijo la’aan kusoo dhamaaday dood socotay 5 saacadood kadib.

Labada dhinac ayaa sheegay inay dib isugu soo noqon doonaan kulan kale oo dhacaya dhamaadka asbuucan, xili ay dagaalada weli sii socdaan.

Dhinaca kale isla shalay Madaxweynaha France Macron ayaa ku guuleystay inuu khadka telefonka kula hadlo Madaxweynaha Ruushka Putin.

Sida laga soo xiganayo Faransiiska Madaxweynaha Ruushka ayaa sharuudo ku xiray joojinta dagaalka ka socda Ukraine; waxaana sharuudahaasi ugu muhiimsanaa:

1- In Ukraine laga dhigo goob hubka ka caagan (Hub ka dhigis)

2- In dowlada Ukraine aqoonsato in jasiirada Crimea kamid tahay Ruushka, jasiiradaasi ayuu Ruushka xoog kula wareegay sanadkii 2014.

Reer Galbeedka oo iyagu cunqabateyn adag kusoo rogay Ruushka ayaa dhankooda ku doodaya in Putin si sharuud la’aan ah ku joojiyo duulaanka uu kusoo qaaday wadanka Ukraine.

Putin ayaa u arka Ukraine oo horey uga tirsanaan jirtay Jamhuuriyadii Sofiyeetka in hadii ay ku biirto NATO ama Midowga Yurub ay khatar amni ku noqon karto Ruushka iyo awooda uu ku leeyahay gobalka.

Maraykanka iyo xulafadiisa NATO ayaa sannadihii danbe waday inay sare u qaadaan ciidamada ka jooga dalalka Bariga yurub ee ku dhaw xaduuda Ruushka, iyagoo sidoo kale hub faro badan ugu deeqay Ukraine oo aan ka tirsaneyn dalalka NATO kamid ah, arrintaasi oo sare usii qaaday shakiga Putin ka qabo qorshaha fog ee Maraykanka & xulafadiisa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *