Putin oo sheegay in tilaabo laga qaadayo Falaagadda Wagner

Published: June 24, 2023
Shares4

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in “gadoodka” kooxda Wagner ay tahay khiyaano qaran, isaga oo intaa ku daray in “tallaabo cad” laga qaadi doono.

Maamulka caasimada Ruushka ee Moscow ayaa sheegay in ay ku dhawaaqeen xaalad degdeg ah oo ka dib markii madaxa Wagner Yevgeny Prigozhin uu sheegay in ciidamadiisu ay gacanta ku hayaan saldhigii militariga Rostov ee koonfurta Ruushka.

Gaadiidka dagaalka iyo Tangiyo ayaa maanta lagu arkayey xarumaha Dowlada ee caasimada Moscow.

Hogaamiyaha kooxda Wagner, Prigozhin ayaa ku eedeeyay Taliska sare ee militariga Ruushka in uu amray weerar gantaal ah oo lagu qaaday xerooyinka Wagner ee dalka dagaalada ka socdaan ee Ukraine, halkaas oo tiro badan oo ah dagaalyahanadiisa lagu dilay.

Kooxda Wagner ayaa bilihii lasoo dhaafay ka garab dagaalamayey ciidamada Ruushka ee ku sugan bariga dalka Ukraine, wuxuuna hogaamiyaha Wagner ku eedeeyey marar badan in militariga Ruushka ay dhabar jabiyeen una diideen saakii ay ku dagaalami lahaayeen.

Dagaalka ka socda Ukraine oo ay Wagner ka qeyb qaadaneysay ayey ku guuleysteen inay qabsadaan deegaano dhowr oo ay kamid tahay magaalada Bakhmut, waxay sidoo kale shirkadan askarta ka qorotay Xabsiyada Dalka Ruushka, iyadoo la sheegay in 40kun oo maxaabiis ay u qorotay askarta ka dagaalanta Ukraine.

Shirkada Wagner oo leh ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah ayaa horey u hoos tagi jiray Madaxweynaha Ruushka Putin oo si gaar ah horey awood u siiyey hogaamiyaha kooxdaasi Prigozhin oo lahaan jiray shirkado qandaraas lagu siiyey raashinka Militariga Ruushka.

Kooxdan ayaa sanadihii danbe sii xoogeystay isla markaana askartooda ka hawlgeliyey wadamo badan sida Siiriya, Liibiya, Mali, Sudan iyo Wadanka Bartamaha Afrika oo ay saldhig weyn ku leeyihiin. Shirkadan ayaa sidoo kale macdanta ka qodota dalkaasi Bartamaha Afrika halkaasi oo ay lacago badan ka sameeyeen.

Horseed Media