Putin oo xiisadii Ukraine sare u qaaday kadib aqoonsiga gooni-u-goosadka iyo ciidamadiisa gudaha u galay gobalada Bariga-Ukraine

Published: February 22, 2022

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa amar ku siiyay ciidamada Ruushka in ay galaan laba gobol oo fallaago ah oo ay Moscow taageerto ee Ukraine isniintii, isaga oo iska caabiyay hanjabaadaha reer galbeedka ee cunaqabataynta, tallaabadaas oo horseedi karta dagaal.

Shalay gelinkii danbe ayuu hogaamiyaha Ruushka uu aqoonsaday madax-bannaanida laba goobood oo ay fallaagada gacanta ku hayaan ee Donetsk iyo Lugansk ee barriga dalka Ukraine, taas oo waddada u xaadhaysa in Ruushka ciidamadiisa gudaha u galaan gobaladaasi.

Laba digreeto oo rasmi ah ayuu Putin ku amray wasaaradda gaashaandhigga inay la wareegto “shaqada nabad ilaalinta” ee gobollada ay gooni u goosadka haystaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *