Q.M.Oo Liiska Xannibaadda Ka Saartay Shakhsiyaad Iyo Shirkado Soomaali Ah

Published: February 23, 2012

Go`aan ka soo baxay golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa Liiska Alqaacidda looga saaray gancsade Axmed Nuur Cali Jimcaale iyo todobo iyo toban shirkadood oo Soomali ah.

17-kii febraayo 2012. Guddiga golaha amaanka u qaabilsan Al-qaacida waxay go`aansadeen in ay ka saareen liiska xanibaadda ee al-qaacidda shaqsiyaadka iyo shirkadaha Soomaalida, Axmed Cali Jimcaale iyo 17 shikadood oo u badan shirkadihii la isku dhihijiray “Barakaad Group of Companies” ayuu qoraalku caddeynayaa in ay ka qaadeen xanibaadihii saarnaa.

Qaraarka oo wata lambarka SC/10549 ayaa caddeynaya in hantida, safarada, iyo hubka kuna cadaa qaraarka lambarkkisu ahaa 1989{2011} ee lagu soo rogay magacyada shaqsiyaad iyo shirkadaha hoos ku qorani laga qaadaay. Magacyadaas ayaa u qoran sida tan.

1 Axmed Nuur Cali Jimcaale

2 Barakaat Bank of Soomaaliya

3 Albaraka Exchange L.L.C.

4 Barakaat Telecommunication company

5 Barako Trading Company

6 Al-Barakaat

7 Al-Barakaat Bank

8 Al-Barakaat Bank of Somaliya “BBS”

9 Al-Barakaat Finance Group

10 Al-Barakaat Financial Holding. Co

11 Al-Barakaat global Telecommunications

12 Al-Barakaat Group of telecommunications

13 Al-Barakaat international

14 Al-Barakaat investments

15 Barakaat Group of Companies

16 Barakaat Red-sea of companies

17 Barakaat international companies {BICO}

18 Barakaat telecommunication company Limited.

Qaraarkan ayaa lagu sheegay in shaqiyaadka iyo shirkadaha laga saaray liiska Al-qaacida lagu gaaray Go`aan ay gaareen guddiga golaha Amaanka u qaabilsan la socoshada hantida, socdaalada iyo hubka ee ururka Al-qaacida.

Kow iyo tobankii sanadood oo shirkadahaas oo miisaan weyn iyo miimaba ku lahaa guud ahaan ay xanibnayeen isla markaasna hadda ay timid in liiska xanibaada laga saaro ayaa waxaa nasiib daro ah in aas aasihii shirkadahaasi uu wili ku sii kale oo heer Gobol ah.

Wax garadka iyo dhammaan dadaweynaha Soomaaliyeed ayaa aad ugu faraxsan in ay maqlaan dhawaaqaan farxadda leh iyagoo rajeynaya in inta dhimana laga saaridoona liiska.

 

Nuqulkii asalka ahaa ee Qaraarka Golaha amaanka oo English ah halkaan ka furo

http://www.un.org/News/Press/docs/2012/sc10549.doc.htm

 

Horseed Media