Qaabkee dowlada Federaalka uga hadashay hubka lasoo geliyey Galgaduud?

Published: July 16, 2024

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo shalay qoraal kasoo saartay hub dhawaan laga keenay dalka Itoobiya ee lasoo geliyey gobalka Galgaduud oo u gacan galay maleeshiyaad iyo shacabka deegaankaasi ayaa xaqiijisay in ciidamadeeda ay gelbinayeen hubkaasi la boobay.

Dowlada ayaa eeda hubkaasi lasoo geliyey dalka u saartay dad ay ugu yeertay ganacsato, balse ay iyagu gacanta ku dhigeen kahor intaysan xoog kula wareegin shacabka iyo maleeshiyaadka ku sugan waqooyiga Galgaduud.

Xaajinta dowlada Federaalka ee ah inay ciidamadooda ku lug lahaayeen gelbinta hubkaasi dalka lasoo geliyey iyo hanjabaada ku socota dadka deegaanka ee hubka la wareegay ayaa dhalinaya su’aalo horleh oo ku aadan kaalinta ciidamada Federaalka ku leeyihiin colaadaha ka jira qeybo kamid ah maamulka Galmudug.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Amniga ee Federaalka ayaa u qornaa sidatan:

Hay’adaha Amniga ee DFS oo si joogta ah ula socda isku dayada hubka sida sharci darrada ah lagu soo galiyo dalka, ayaa waxay maalintii shalay oo ay taarkiihdu aheyd 15 ka July gacanta ku dhigeen hub ay kooxo ka ganacsada hubka sharci darada kasoo galiyeen dhinaca Ethiopia ee ku beegan Gobalka Galguduud.

Laamaha Amnigu markay gacanta kusoo dhigeen hubkaas ayaa waxaa jidgooyo udhigay maleeshiyaad hubaysan, taasina waxay sababtay in hubka qaar ka mid ah uu gacanta u galo maleeshiyaadkaas.

Ka ganacsiga hubka sharcidarrada ahi waxa ay fursad u tahay Kooxaha Khawaarijta ah

sidaas oo kale waxa ay qayb wayn ku leedahay hurinta colaadaha dhexmara Qabaa’ilka Soomaaliyeed.

Dawladda Soomaaliya waxa ay ka xuntahay Falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen Maleeshiyaadkaas wadada u galay Ciidanka Qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda Qaran, waxaana ka go’an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dawladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah.

Dawlada Federalka ah waxay odayaasha dhaqanka iyo shacabka deegaanka faraysaa in ay Hay’adaha Amniga kala shaqeeyaan hawlgalada soo celinta hubkaas.

Ugu danbayn Dawladdu waxa ay ka tacsiyaynaysaa Dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay shaqaaqadii ka dhalatay falkaas jid-gooyada ah ee ay gaysteen Maleeshiyaadka hubaysan.

Horseed Media