Qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho oo xiran, kadib weerarkii habeenkii Sabtida

Published: February 24, 2018

Ciidanka amaanka Dowladda federaalka ayaa xiray qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho, waxaana kamid ah waddooyin si weyn gadiidku u isticmaal jirey.

Waddooyinka xiran waxaa kamid ah jidka Makka Al-Mukaramah iyo jidka Wadnaha oo kamid ah waddooyinka loogu isticmaal badan yahay-

Ciidanka Amaanka ayaa u diiday gadiidku in ay isticmaalaan waddooyinkaas, waxaana la oggol yahay keliya qofkii lugeynaya.

Habeenkii xalay ayaa koox ka tirsan al-Shabaab ay weerar ka fuliyeen Muqdisho kaas oo isgu jira laba qarax iyo weerar toos, waxaana Dowladda federaalku sheegtey in ay fashiliyeen weerarkaas dhamaana dileen kuwii weerarka soo qaadey. Ku dhawaad 30 qof ayaa weerarkaas ku geeriyootey, kuwaas oo 18 kamid ah ay ku geeriyoodeen qarax ka dhaxa ex bar Fiat ama KM0.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *