Qaarada Afrika: Covid19 oo ku dhacay in ka badan 1 milyan oo qof

Published: August 7, 2020

Dadka uu ku dhacay cudurka Covid19 ee ku nool Qaarada Afrika ayaa gaaray in ka badan 1 milyan oo qof.

Kalabar dadkaasi ayaa ku nool wadanka Koonfur-Afrika oo noqday dalka uu saameynta ugu weyn ku yeeshay cudurkan ku faafay caalamka oo dhan.

In ka badan 538.000 qof oo ku nool wadankaasi ayuu cudurkan ku dhacay, waxaana u dhintay in ka badan 9 kun oo qof.

Shacabka dalka Koonfur Afrika ayaa ku eedeeyey dowladaasi inay hareysay musuq maasuq baaxadleh oo lagu kala iibsaday mashaariicdii loogu talo galay kahortaga caabuqa Coronavirus.

Qaar kamid ah xubnaha katirsan Madaxtooyada dalkaasi ayaa la sheegay in la siiyey qandaraaska qalabka ka hortaga cudurka Covid19, hantidaasi oo la rumeysan yahay in la lunsaday, walow Madaxweynaha dalkaasi uu sheegay inuu si adag u ciqaabi doono dadka sameeyey musuq maasuqa.

Wadanka Soomaaliya ayaa isagu hada weli si dhameystiran loo ogeyn saameynta cudurkan, hase yeeshee tirada rasmiga ah ee la xaqiijiyey oo ay dowlada Federaalka Soomaaliya shaaciysay ayaa ah in cudurka uu ku dhacay 3.221 qof, dhimashaduna ay tahay 93 qof.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *