Qaarada Afrika oo la ildaran cunno yari kadib dagaalka Ukriane!

Published: June 10, 2022
Macky Sall
Madaxweynaha Senegal Macky Sall, ahna madaxweynaha wareega ee Midowga Afrika

Madaxweynaha Dalka Senegal ee Galbeedka Afrika ahna madaxweynaha Midowga Afrika Macky Sall ayaa maalintii khamiista sheegay in Ukraine ay miinooyinka ka saarto biyaha dekadda magaalada Odessa ee badda madow, si ay u fududaato in la dhoofiyo Malaayin ton oo Haruur iyo sareen ah oo ku xaniban dekaddaas.

Duulaanka Ruushku kuqaadey Ukriane iyo cunno-qabateynta reer galbeedku ku soo rogeen Ruushka ayaa waxyeelo gaarsiiyey dhoofinta qamandiga iyo haruurka ee labdaas dal adduunka u dhoofin jireen, waxaana ka dhashey khatar weyn in adduunka soo gaartey gaar ahaan Afrika ay ka dilaacdo gaajo

Qiimaha haruurka ee qaarada Afrika ayaa kor u kacay sababtoo ah hoos u dhaca ku yimid dhoofinta, taas oo ay sababtey colaadaha iyo isbeddelka cimilada waxaana ay khatar weyn ku tahay oo laga cabsi qabaa in Afrika ay ka dilaacdo gaajo iyo colaado.

“….Haddii Dhoofinta Sarreenka ay dib u bilaabi weydo Ukrain, qaarada Afrika “waxa ay geli doontaa xaalad macaluul aad u daran oo khalkhal gelin karta qaarada oo dhan” ayuu Sall u sheegay warbaahinta Farance24 iyo RFI.

Ruushka iyo Ukraine waxay soo saaraan 30% sarreenka adduunka isticmaalo.

Laakiin, malaayiin tan oo haruur ayaa ku xayiran dekedaha Ukraine sababo la xiriira go’doominta Ruushka, halka cunaqabataynta reer galbeedka ee Moscow ay hakisay wax dhoofinta Ruushka.

Moscow ayaa ku baaqday in Ukraine ay miinooyinka ka saarto biyaha ku hareereysan dekedda Odessa ee Ukraine si ay u oggolaato haruurka xannibmay in la dhoofiyo, laakiin Kyiv ayaa diiday cabsi ay ka qabto in Ruushku weerar ku qaado magaalada Dekadda ah ee Odessa. Sall waxa uu sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, oo uu todobaadkii hore kula kulmay Ruushka, uu u xaqiijiyay in aanay taasi dhici doonin.

“Xitaa waxaan ku iri: ‘Yukrainiyiintu waxay yiraahdeen haddii ay miinada saaraan, waxaad geli doontaa dekedda.” Waxa uu yiri, maya, ma geli doono, taasina waa ballan uu sameeyay Putin,” ayuu yiri hoggaamiyaha Senegal.

“Hadda waa in laga shaqeeyo sidii miino-saarista loo bilaabi lahaa, Qaramada Midoobay ayaana qayb ka geysanaysa si aan u bilowno soo dhoofinta Sareenka Ukraine ku xaniban,” ayuu yiri Madaxweynaha Sengal.

Sall ayaa la kulmi doona madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron maanta oo Jimce ah gudaha Faransiiska.

Waxa la filayaa in uu ka codsado in uu ka caawiyo qaadista cunaqabataynta Midowga Yurub ee ka dhanka ah Ruushka, gaar ahaan in uu ka noqdo ka-reebistiisa nidaamka fariimaha danabaysan ee bangiyada ee loo yaqaan SWIFT ee caalamiga ah.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *