Qaban-qaabada xuska sanadguurada 76-aad ee ciidanka booliska oo Muqdisho ka socota

Published: December 21, 2019

Waxaa saakay magaalada Muqdisho ka socota qaban-qaabada munaasabad sannadguurada 76-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed, taas oo la qabto sannad walba maanta oo kale 21-Decembar.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galaya masuuliyiin ka tirsan dowlada oo uu ugu horeeyo madaxweynaha, wasiirro, xildhibaano, taliyayaal ciidan iyo saraakiil ka kala tirsanaa hay’adaha ammaanka dalka.

Inta ay munaasabadu socoto ayaa waxaa halkaasi ay ciidamadu ku soo bandhigi doonaan gaada-ka-cayaar iyo dhoolatus.

Sidoo kale waxaa la filayaa magaalooyinka maamul goboleedyada dalka in lagu qabto xuska maalinta miidanka booliska Soomaaliyeed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *