Waxaa Qabuuro ku yaalla Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho lagu aasay Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed “Afrika” oo xalay u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax Is-miidaamin ah oo lala beegsaday.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/11/WhatsApp-Image-2021-11-21-at-12.00.43-PM-768x576-1.jpeg)
Salaada Janaazada ayaa Marxuum Cabdicasiis Afrika lagula dukaday Masaajidka Shuhadaa ee Madaxtooyada, waxaana dukashada Janaazada ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Mas’uuliyiin iyo dadweyne badan.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/11/b-4-768x512-1.jpg)
Intaas kadib ayaa waxaa loo galbiyey qaruuraha ku yaalla Isbitaalka Ciidanka Xoogga ee Magaalada Muqdisho oo lagu aasay Allaha u naxariistee Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ahaa Agaasimihii Radio Muqdisho.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/11/WhatsApp-Image-2021-11-21-at-12.00.48-PM-1-768x576-1.jpeg)
Sidoo kale waxaa markale lagula dukaday agagaarka Qubuuraha Isbitaalka xoogo halkaas oo ay janaasadda kula dukadeen , Qaraabo iyo asxaab u badan bahda saxaafada oo uu ka tirsanaa marxuumka.
Horseed Media