Qabyo-Qoraalka Istiratiijiyadda Qaran ee Xalka Waara oo la Ansixiyay

Published: December 3, 2020

Xafiiska Xalka Waare oo ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa u qabatay hey’adaha Federaalka ah, Maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Benadir kulan howleed lagu ansixinayay qabyo-qoraalka Istiratiijiyadda Qaran ee Xalka Waara taas oo looga sal gaari doono xal waara loo helo arrimaha barakaca.

Kulankaan waxaa ka qayb-galay Wakiilo ka kala socda Xafiiska Raiisul Wasaaraha, Wasaaradaha Federaalka, Wasaaradaha Maamul Goboleedyada, Hay’adaha Qaxootiga iyo Barkacayaasha, iyo maamulka Gobolka Benadir.

Kulan howleedkan oo socday labo maalin oo laga doodayay qabyo-qoraalka ayaa heer farsamo lagu ansixiyay Istiratiijiyadda Xalka Waara iyo Qorsho Howleedkiisa.

Wasaaradda Qorsheynta waxa ay wada tashi balaraan la sameeysay hey’adaha Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada, Maamulka Gobolka Benadir, iyo Hey’adaha Qaxootiga iyo Barkacayaasha.

Wasaaradda waxa ay sidoo kale la yeelatay wadatashi Ganacsatada Soomaaliyeed oo ay hormuud ka aheyd Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Bulshad Rayidka oo ay hormuud ka aheyd SONSA, saaxiibada caalamka oo ee ka mid yihiin Hay’adaha Qaramada Midoobay, Hay’adaha and Dowliga Ahayn, Deeq Bixiyaasha, Safaaradaha, Khubaro Caalami ah oo hurmuud ku ah arrimaha Xalka Waara ee barkacyaasha iyo Guddiga Heer Sare ee Barakacayaasha ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Waxaa soo idlaaday wadatashiyada iyo ansixinta farsamo ee Istiratiijiyadda Xalka Waara iyo Qorsho Howleedkiisa, waxaana la horgeyn doonaa Golaha Wasiirada si ay u ansixiyaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *