Qadar oo safiir cusub u soo magacawday Soomaaliya

Published: October 16, 2022

Amiirka dalka Qadar Mudane Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa Dr. Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi u magacaabay, Safiirka cusub ee Soomaaliya, sida ay baahiyay Wakaalada Wararka dalkaasi.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Amiirka ayaa lagu sheegay in Dr. Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi loo magacaabay Safiirka Qadar ee Soomaaliya.

Mas’uulkan cusub ayaa la filayaa in uu soo gaaro dalka si warqadaha Aqoonsiga Danjirimo ugu gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.