Qalab Talyaanigu Ku Deeqay oo Lagu Wareejiyay DFS

Published: April 9, 2020

Hey’adda caafimaadka u qaabilsan QM ee WHO ayaa maanta wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ku wareejisay qalab loogu talagalay baaritaanka cudurka coronavirus (COVID-19)

Qalabka waxaa lacagta lagu soo iibiyay ku deeqday safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, waxayna ugu deeqday dadka Somaliyeed.

Mas’uuliyiinta wasaaradda Caafimaadka ayaa qalabkan kala wareegay hey’adda WHO iyadoo qalabkan keenistiisa dalka loo xil saaray hey’adda cuntada Adduunka Fao.

Dowladda Federaalka Imaraadka Carabta ayaa shalay soo gaarsiisay maamulada Puntland iyo Somaliland qalab iyo daawo loogu talagalay ka hortega cudurka corovairus.

Wasaaradda caafimaadka federaalka ayaa toddobaadkan sheegtay in wiixi hadda ka dambeeya dalka gudihiisa lagu baari doono cudurka Coronavirus ka dib markii ay shaybaarka lagu baaro cudurka Coronavirus xaruntiisa ka furtay magaaladda Muqdisho.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *