Qalbidhagax oo lagu soo dhaweeyay Boosaaso

Published: September 29, 2018

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax oo ka tirsan ururka ONLF ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Puntland,odayaal dhaqameed iyo dad weyne watay calanka jabhada ONLF.

Markii uu soo gaaray Boosaaso ayuu Cabdikariin Qalbidhagax la hadlay dadkii soo dhaweeyay isagoona sheegay in Boosaaso uu u yimid sidii uu ula kulmi lahaa dadkii uu tibaaxay in ay ka dhiidhiyeen jariimo uu sheegay in ay kula kaceen madax Soomaali ah.

Cabdikariin Sh Muuse Qalbidhagax ayaa inta uu ku sugan yahay Boosaaso waxa uu la kulmi doonaa masuuliyiinta ugu sareysa Dowlada iyo qeybha kala duwan ee Bulshada isagoona si gaar ah ula kulmi doona dadka kasoo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida.

Qalbidhagax ayaa horey u sheegay in uu safaro kala duwan ku mari doono magaalooyin badan oo kamid ah dalka ,waxaana safarkan kii ka horeeyay uu ku tagay magaalada Hargaysa halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *