Qaramada Midoobay “Fatahaadda waxaa ku barakacay 270,000 oo ruux”

Published: November 2, 2019
Fatahaadda Beledwayne

Qaramada Midoobay ayaa warbxin ay soo saareen shalay [ Jimce ] waxay ku sheegeen in fatahaadaha roobku ka sameeyay gobollo ka tirsan Koonfuurta Soomaaliya ay bara-kiciyeen in ka badan 270,000 kun oo ruux, islamarkaana ay burburiyeen kaabayaashii nolosha ee dadkaasi.

Deegaanada ugu badan ee lagu barakacay , waxaa kamid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo uu fatahaad xooggan ka sameeyay webiga Shabeelle.

UN-ku waxay sheegtay in magaalada Beledweyne oo keliya ay ku dhinteen 10 ruux, kadib markay la rogmatay doonni ay saarnaayeen, xilli ay doonayeen in ay soo badbaadiyaan shacab ku go’doonsanaa fatahaadda webiga Shabeelle ka sameeyay degmadaasi ku taalla bartamaha Soomaaliya.

Qaramada Midoobay waxay hoosta ka xarriiqday in dadka kor u dhaafaya 270,000 kun oo ruux ee ku bara-kacay fatahaadaha webiyada Jubba iyo Shabeelle, ay u baahan yihiin in lala gaaro gargaar deg deg ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *