Qaramada Midoobay Oo Gaadiid Ku Wareejisey CXDS

Published: May 19, 2021

Hay’adda UNMAS oo Qaramada Midoobay u qaabilsan wax ka qabashada miinooyinka, ayaa maanta taliska Ciidanka xoogga dalka waxay ku wareejisay gaadiid iyo agabyo kale oo ciidan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage oo ay wehliyeen taliye ku-xiggeenka XDS iyo saraakiil kale, ayaa gaadiidkan kala wareegay Hay’adda UNMAS, Waxaana uu uga mahad celiyey garab istaagooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *