Qaramada Midoobay oo ka digtay cudur si fudud ku faafa oo ka dilaacay caalamka

Published: August 15, 2024

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa Arbacadii shaaca ka qaaday in kororka faafitaanka mpox ee Afrika uu yahay xaalad caafimaad oo degdeg ah oo caalami ah, isagoo ka digaya in fayrasku ugu dambeyntii ku fido xuduudaha caalamiga ah.

Ku dhawaaqista cudurka ee agaasimaha guud ee WHO, Tedros Adhanom ayaa timid ka dib kulan ay yeesheen guddiga gurmadka ee hay’adda caafimaadka ee Qaramada Midoobay.

Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Afrika ayaa Talaadadii ku dhawaaqay cudurka mpox oo ah xaalad caafimaad oo degdeg ah oo dadwayne guud ahaan qaaradda.

WHO ayaa sheegtay in cudurka laga helay in ka badan 14,000, halka ay 524 qof ay u dhinteen Afrika sanadkan.
Ilaa hadda, in ka badan 96% dhammaan kiisaska iyo dhimashada waxay ka dhaceen hal wadan – dalka Kongo. Saynis yahanadu waxay ka walaacsan yihiin faafitaanka cudurka cusub oo laga yaabo inuu si fudud dadku u kala qaado.

Cudurka Mpox, oo sidoo kale loo yaqaan busbuska, ayaa markii ugu horreysay ay aqoonsadeen saynisyahannadu 1958-kii markii uu dillaacay cudurka “pox-like” ee daanyeerka. Ilaa dhawaan, kiisaska ugu badan ee bini’aadamka ayaa lagu arkay dadka ku nool bartamaha iyo galbeedka Afrika kuwaas oo xiriir dhow la leh xayawaanada cudurkan qaba.

Sanadkii 2022, fayraska ayaa la xaqiijiyay inuu ku faafo galmada markii ugu horeysay oo uu ka dillaacay in ka badan 70 waddan oo adduunka ah oo aan horay loo soo sheegin cudurkan mpox.

Cudurka Busbuska ayaa ku faafi kara isu dhawaashaha, iyo taabashada qof xanuunka qabo, wuxuu ku billowdaa qandho, kaddibna isu baddalaa nabro kasoo baxa jirka oo dhan.

Horseed Media