Qaramada Midoobay oo ku baaqday xabbad-joojin deg deg ah oo ka hirgasha Gaza

Published: December 13, 2023
Shares2

Qaramada ayaa shalay gelinki danbe xilliga Bariga Mareykanka ku baaqday xabbad-joojin ban’aadannimo oo deg deg ah oo laga dhaqan-geliyo Marinka Gaza, kaddib kulan aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Golaha Guud.

Kaddib xaalad bani’aadannimo oo aad u liidata siina qoto-dheeraaneysa oo ka jirta Gaza, ayay 193 xubin oo ka tirsan Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ansixiyeen qaraar ku baaqaya xabbad-joojin.

Qaraarka ayaa waxaa haa ugu codeeyay 153 waddan, 23 ayaa ka aamustay, halka 10 dal ay maya ugu codeeyeen. Waddamada diiday waxaa ka mid ah Israa’iil iyo Mareykanka oo ku dooday, in xabbad-joojinta ay faa’iido ku qabto Xamaas.

Qaraarkan ayaanan aheyn mid qasab ka dhigaya xabbad-joojinta, hase yeeshee xambaarsan miisaan siyaasadeed oo sawir ka bixinaya aragtida iyo halka ay dagaalka Gaza ka istaagsanyihiin dowladaha caalamka.

Maamulka Falastiin ayaa soo dhaweeyay qaraarka kuna boorriyay waddamada in ay Isra’il cadaadis ku saaraan dhaqangelinta xabbad-joojinta.

Danjiraha Israa’il u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa inti aysan billaaban u codeynta qaraarka ee Golaha Guud sheegay, in xabbad-joojinta ay kaliya sii dheereyn doonto dhimasho iyo burbur ka sii dhacda mandiqadda.

Jimcihii ayaa qaraar kan la mid ah oo la horgeeyay Golaha Ammaanka uu ku dhamaaday fashil, kaddib marki uu Mareykanka codka diidmada qayaxan ku diiday qaraarka, halka 13 ka mid ah 15-ka xubin ee Golaha ay haa ugu codeeyeen. Ingiriiska ayaa ka aamusay.

Tan iyo marki ay Isra’il billowday duqeymaha cirka ah ee Gaza 7-badi bishii Octonber, in ka badan 18,000 oo ruux oo u badan dumar iyo carruur ayaa lagu dilay Marinka Gaza.

Xamaas oo 7-badi October weerartay koofurta Isra’il ayaa iyaduna dishay in ka badan 1,200 oo Israa’iiliyiin ah. Sidoo kalana soo afduubatay in ka badan 250 kale.

Xigashao: Reuters