Qaramada Midoobay oo Sheegtay in 40% Dadka Soomaaliyeed ay Gargaar Deg deg ah u Baahan yihiin.

Published: January 17, 2017

Isku xiraha gargaarka bani`aadanimada ee soomaliya Peter De Clercq ayaa sheegay in boqolkiiba afartan dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah.

Hadalkan ayuu ka sheegay magaaladda Baydhabo oo uu booqasho ku tegay, halkaasi oo uu kula kulmay qaar ka mid ah qoysas ay abaartu ay saamaysay oo u soo barakacay magaaladda, waxaa kaloo uu la kulmay madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariif Xasan o kormeer ku tegey xero ay ku jiraan qoysas ka soo barakacay deegaannada ay abaartu ku dhufatay ayaa ugu baaqay bulshada caalamka in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadka ay abaartu saameysay, isagoo ummadda Soomaaliyeed ka codsaday inay isu gurmadaan oo ay caawiyaan walaalahooda ay colaadda iyo abaarta isbiirsaday saameysay.

Deegaano badan oo ka mid ah goboladda Soomaaliya waxaa haatan ka jira Xaalado abaaro aad u daran, kuwaas oo saamayn wayn ku yeeshay Dadka iyo Duunyada.

Dowladda dhexe iyo Maamulgoboleedyadda dalka ayaa marar kale duwan baaq caalami ah u diray beesha caalamka iyagoo ugu baaqday in si deg deg ah Gurmad loola soo gaaro dadka ay abaaruhu saameeyeen, hase yeeshee ilaa iyo hadda gargaar kooban ayaa soo gaaray goboladda qaarkood.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *